Bilowga sheekadda haddii aan kasoo bilaabno waxey dhaxmartay Mareekan ka iyo China. Waxey isku heesteen dagaal dhanka dhaqaalaha ah iyo ganacsiga ah.
Mareekanka ayaa ka cabsaday korarka dhaqaale ee China sameeneyso, sidaas daraadeeda waxuu cunaqabateen saaray shirkadda Huawei oo laga leeyahay dalka China. Waxuu u sababeeyay cunaqabateen kiisa in shirkadda Huawei ey kusoo darto taleefanadeeda qalab aad u yar oo laga jaajuuso shaqsiga wato taleefankaas.
Shirkadda Huawei oo eedeyntaas loo soo jeediyay ayaa beenisay hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Dalkaas.
Kadib arinkaas markuu dhacay ayaa soo if baxday isku dhac dhax maray shirkadda weyn oo caanka ah Google oo laga leeyahay dalka mareekanka iyo Shirkadda Huawei. Google ayaa dhahday taleefanadda ey soo saari doonto Huawei hadda kadib ma taageeri doonaan Android ka. Taasoo ka dhigan ineysan awood u laheyn iney isticmaasho Google Play ga, Gmail ka, iyo gabi ahaan system ka Android ka.
Arinkaan ayaa walaac weyn dhaliyay hadey noqoto dadkii isticmaalayay Huawei iyo shirkadda Huawei naf ahaanteeda. Laakiin wali wax jawaab ey ka bixisay malaha markuu hadalkaas kasoo yeeray Google.
Halka ey shacabka China ey dhaheen ankana ma iibsan doonno mana isticmaali doonno taleefanadda shirkadda Apple oo laga leeyahay dalka mareekanka, Haddii ey dhacdana arinkaaan ey suurta gal tahay shirkadda Apple iney qasaaro ku timaado 30%.
Wada hadal hoose oo dhaxmaray ayee shirkadda google dib usoo saartay warbixin ey ku dhaheeso taleefanadda hadda Jiro oo Huawei ey leedahay masaameyn doonaan cunaqabateen kaas. Haddana wada xaajood kale oo lasii galay ayee dib ka shaacisay isla shirkadda iney siineyso Huawei muddo 90 maalmood ah ey wada shaqeyn doonaan. Markaas ayee shirkadda Huawei hadashay oo tiri waxaan rajeyneynaa inaan xal ga gaarno arinkaan.
Shirkadda Huawei oo ah mid hadda suuq balaaran ka sameesaneyso caalamka intiisa kale ayaa hadda warar hoose laga soo helayaa iney sameysan doonto system ey ku shaqeeyaan taleefanadeeda oo la dhaho #HongMeng.
Waxaa laga yaabaa haddii ey kasii darto xaaladda 2da shirkad u dhaxeyso iney sii balaarato ey xitaa gaarto in computerradda Huawei ay saameyso system ahaan. Waxaan ula jeedaa waxaa suurta gal ah iney kusoo biirto dagaalka shirkadda Microsoft oo leh system ka Windows ka