Waa Maxay E-commerce? Maku Kalsoonaan Karaa?
Waa ganacsi ushaqeeyo hab casri ah suuqiisana yahay Internet-ka. Maadama isticmaalayaasha internet ka ay badan yihiin waxaa fudud inuu gaaro ganacsigaaga meelo aad u badan iyo dad kala duwan.
Sidoo kale, badeecadaada waxaad ku iibin kartaa qaabab kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka tirsan internet ka. Sida inaad isticmasho;
A. Facebook-ga
B. Instagram-ka
C. Shoppify
D. Website-kaaga
E. Amazon
F. Iyo meelo badan
Si ganacsigaaga uu u gaaro dad fara badan waxaad u baahan tahay inaad adeegsato qaabab kala duwan oo xayeysiis ah sida;
A. Xayeysiiska Baraha Bulshada
B. Suuq-geynta shaqsiga (Affiliate Marketing)
C. Online Groups
D. IWM
Labaatankii sano ee la soo dhaafay, isticmaalka baahsan ee meheradaha e-ganacsiga sida Amazon iyo eBay ayaa gacan ka geystay kobac la taaban karo oo badeecadda tafaariiqda. Sannadkii 2011, ganacsiga e-commerce wuxuu gaaray 5% wadarta iibka tafaariiqda,.
Markii uu dilaacay caabuqa COVID19 2019, wuxuu kor u kacay in ka badan 16% iibka tafaariiqda.
Faa’idooyinka uu leeyahay E-commerce ka.
Faa’idooyinka ganacsiga elektaroonigga ah waxaa ka mid ah;
A. Adeegsigiisa habeen iyo maalin
B. Isla barbardhiga mehrado badan adigoo gurigaaga joogo
C. Bilowgiisa oo qarash yar
D. Suuq balaaran iyo gaaridda dad bdan
__________
Faa’idada Koorsadeena
Hadaba koorsadeena waxaan uga gol-leenahay inaad barato qaabkaas fudud aad wax ku iibin karto kuna heli karto kumaan macaamiil ah.
Waxaa ku baraneysaa habka aad badeecadaada u nashqadeen laheyd waliba si qurux badan adigoon u baahneyn naqshad-yahan inuu kuu qabto adeegaas (Graphic Designer).
Muhiimadeena waaa inaad isku filnaato sidoo kale ganacsigaagana ku filnaato. Waxaa naga go’an inaan ku barno habka aad ganacsigaaga u geyn laheyd suuq-yada kale ee dunida adigoo baraneysid habka macaamiilka loo gaaro. Kaalay oo hadda baro.
Badeecooyinkeena:
Machadka Abjad waxuu kuu soo diyaariyay website themes aad u qurux badan oo ku saabsan dhisidda website yada e-commerce ka ah. Themes kaan markii hore illaa hadda waa qaali lacag ahaan balse waxaad ka heleysaa qeybta badeecooyinkeena iyaga oo raqiis ah walina qiimo dhimis ah 90% ay wadato.
Kaliya Themes ka kuma aanan soo diyaarin ee sidoo kale waxaad heleysaa Plugins ka lagu sameeyo website yada e-commerce ka ah oo raqiis ah walina.
Tusaale Plugin ka lagu dhiso website yada oo loo yaqaano Elementor Pro waa qaali qarash ahaan waxuuna gaarayaa sanadkii inaad bixiso $200 in ku dhow, balse Abjad waxey kuu soo diyaarisay isaga oo ah $5 kaliya. Hadda soo fiiri qeybta badeecooyinkeena.
Waad ku mahadsan tahay booqashadaada.