Haddii aad u maleyso dhamaan social media ha aad isticmaasho iney yihiin kuwo la isku haleen karo oo tuugadda internet ka aysan awood u laheyn iney ku saameeyaan, Haddaba waa inaad mar-labaad aad fakarto, saad mooday ma aha.

Qaasatan social media ha loo yaqaano Whatsapp ka uu leeyahay shirkadda facebook ga waa mid aad u sahlan in la jabiyo ama lagu abuuro waxyaabo xun-xun(Virus). Sidey sheegeen koox cilmi baarayaal ah dhanka amaanka (Security Researchers) oo ka shaqeeya Symantec waxaa aad u fudud in lagu dhaco dadka isticmaalo aaladdaan whatsappka wali dhanka codadka la isku duubo iyo sawiradda la isku soo diro.

Codadka waxaa lasoo raacin karaa virus ama melicious files oo ku save gareesmi doono gudaha taleefankaaga kadibna uu u gudbiyo tuuga wax kastoo ku hadleysid ama aad qoreysid. Sidaas waxey suurta gal ku tahay haddii whatsapp kaaga wixii laguugu soo diro ey ku dhacayaan maskaxda taleefan ka. Haddaba sidee iskaga ilaalin kartaa illaa xad!!!

  1. Soo dagso update ka ugu danbeeyay ee whatsapp ka.
  2.  Markaad install gareeneyso dooro external memory ga inuu ku save gareeyo documents ka.
  3.  Iska jir ruux walba aadan aqoonin waxuu kuu soo diro inaad ku dhufato farta.
  4.  Haddii aad ka shakiso link laguu soo diray ha furin.

Intaas waa inta aasaaska ah. Waxaan rajeenayaa iney ku anfacday warbixintaada, fadlan comment ii dhaaf hadey jirto su’aal ama faham daro haddii aad heyso. Mahadsanid.

Leave a Comment